Police Letter Referring Persons Arrested for public order offences in relation to land disputes being sent to the Hargeysa Security Committee in June 2004 for sentencing under “the emergency law”

(Source: Report on www.somaliland.org submitted by Mr Cabdirisaaq M.Dubbad, Hargeysa and published on 24th June 2004)

Warbixinto waxay tidhi Koox 11 qof oo ah rag xoogsato ah oo isugu jira darawaliin iyo ragga dhaggaxa jebiya ay Guddiga Nabadgelyada Hargeysa si degdeg ah ugu xukumay midkiiba Lix bilood oo xadhig ah. Kooxdan waxa qabqabtay booliska Saldhigga Waaxda Koodbuur ee magaalada Hargeysa goor habeennimo ah,  subaxnimadiina waxa xabsiga loogu taxaabay xukun uu ku ridey Guddiga Nabadgelyada.  Warqaddii Booliisku ay Gudiga u qorayn waa sidan, ay warbixitu tidhi:

Waxaan idiin soo gudbinayaa eedaysanayaasha magacyadoodu hoos ku xusan yihiin, kuwaas oo kala ah:

1- Aadan Maxamed Cumar 40 jir
2- Naasir Cali Faarax 25 jir
3- Sacad Yuusuf Xasan 22 jir
4- Cabdi Maxamuud Muxumad 28 jir
5- Muxumad Maxamed Madar 30 jir
6- Khadar Mawliid Cumar 16 jir
7- Axmed Cumar Ibraahim 29 jir
8- Nuux Maxamed Mawliid 28 jir
9- Xasan Maxamed Axmed 21 jir
10- Cabdi Nuur Axmed 26 jir
11- Cabdi Maxamuud Ismaaciil 20 jir

Haddaba, eedaysanayaashan kor ku xusan oo Taliyekuxigeenka Saldhigga Booliska Koodbuur, Keyse Suudi Carraale, uu ku soo xidhay xalay 1:10 Daqiiqo iyaga oo watey Saddex baabuur oo sidey Dhagax iyo Ciid, kuna tala jirey inay dhisaan dhul hore muran uga taagnaa oo ku yaalla Sheedaha ayna isku hayaan dhinacyo badan sida Xaashi Bacaado, Dheeg iyo Yuusuf Jaambiir Suldaan oo hadda dhisanaayey dhiska aanu soo joojiney xalay, baabuurta ay wateenna waxay lambaradoodu kala ahaayeen: 1) BL/12794 SL 2) 14987SL iyo 3) 13794.

Sidaa darteed, waxa aannu codsanaynaa in lagu xukumo Xukunka Degdegga ah maadaama ay khalkhal gelinayeen Nabadgelyada Guud ee caasimadda Hargeysa, beryahan dambena ay badatay muranka dhulka laysku haystaa, siiba Sheedaha”.

Waxa ay warbixintu intaas ku dartay in warqadda oo uu ku saxeexan yahay Taliyaha Saldhigga K/Buur, Jaamac Ismaaciil Xuseen, waxa kale oo uu ku qornayd Afar markhaati oo mid yahay Taliyekuxigeenka Saldhigga oo isagu soo qabtay dadkaas iyo saddex Askari oo kale.