Resolution of the House of Elders on 3rd March 2003 made under Article 42(3) of the Constitution and extending the term of office of the House of Representatives for a further period of TWO YEARS from the date of  expiry of the term which was on 25 May 2003.  As set out in paragraph 1 of the Resolution, the term of the House will expire on 25 May 2005.  Of the 70 members present (including the Speaker who did not vote), 50 voted for the Resolution, 12 abstained and 7 voted for an extension of 3 years (and not 2 years).

The House of Elders had already extended the term of the House of Representatives by one year in February 2002

_______________________________________________________________________________________________

JAMHUURIYADDA SOMALILAND

GOLAHA GUURTIDA

Ku: Madaxweynaha JSL – Hargeysa
Og: Golaha Wakiilada JSL – Hargeysa
Og: Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Qaranka – Hargeysa
Uj: Gudbin Go’aan

Waxaanu halkan idiinku soo lifaaqaynaa go’aankii muddada korodhsiimo ee golaha Wakiilada JSL.

Uj: Go’aan Kordhsiimo ee Mudada xilka G/Wakiilada:

Golaha Guurtida JSL

 Markuu arkay:         Soo jeedinta Madaxweynaha ee la xidhiidhay muddada korodhsiimo ee golaha wakiilada, kuna cad xeer madaxweyne No: 77/2003 ee 10/02/2003, loona soo gudbiyey golaha Guurtida 10/02/2003.

Markuu arkay:         Qodobada 42-aad (faqradiisa 3-aad) ee Dastuurka JSL, waxa uu dood iyo falanqayn ka yeeshay mudada korodhsiimo ee golaha wakiilada.

Markuu arkay; Daruufaha jira ee aanay u qabsoomi karin doorashada golaha wakiiladdu waqtigani, gaar ahaana dhinacyada dhaqaalaha iyo farsamadaba, kuna cad qoddobka 42-aad, faqradiisa 3-aad ee Dastuurka.

Markii uu qiimeeyey:          Is-tusayna in loo baahan yahay qabyo-tir si buuxda oo loo helo shuruucda qeexaysa hababka doorasho ee golayaasha.

Markii uu goluhu is-hordhiyey:     In baahi-weyn loo qabo helitaan daraasad iyo xogo dhamaystira saami qaybsiga kuraasta golaha wakiilada iyo tan Guurtida iyo habkeeda doorashaba, kuwaasi oo ay golayaasha qaranka iyo dadweynaha daneeya arrimaha siyaasaduba ay ku kala duwan yihiin aragtiyaha iyo hababka lagu meel-marin karo xeerka qeexaya doorashada golayaasha.


Markii uu goluhu isu-qanciyey; In hawlaha ka horeeya ay u baahan yihiin waqti loo helo oo ku filan iyo wax sal u noqda oo la raad-raaci karo, uguna dhow xaqaa’iga iyo waaqaca dhabta ah ee jira.

Markii goluhu uu lagama-maarmaan u arkay:    In godoloolooyinka ay u dhmaystirmi la’yihiin xeerkaasi ay sal u tahay tiro-koob la’aani, laanteedna aan laga gudbi karin hab-qaybsi laga wada qanci karo.

Sidaa darteed, Goluhu isaga oo xeerinaya amuuraha kor ku sheegnay iyo mudada laga gaadhi karo shruuco dhamaystiran oo qeexay golayaasha iyo hababkooda doorasho, gaar ahaana waxa u sal noqonaya saamiga degmooyinka iyo gobolada ay kala yeelanayaan, taasi oo ah meesha mushkilada shuruucdu ka taagan tahay (xeerarkooda) una sabab ah.

Dhinaca kalena, Asbaabaha mudada krodhsiimo ee golaha wakiiladu ku salaysan tahay waxa ka mid ah kala xadayn la’aanta sohdimaha degmooyinka iyo gobollada, oo ah meelaha ay ka imanayaan wakiilnimada bulshadu.  Iyadoo la ansixiyey xeerkii, hadana waxa loo baahan yahay hanaan lagu dhaqan-geliyo in loo helo waqti.  Sidoo kale degmooyinka aan xuduuda lahayn ilaa hadda ayay lagama maarmaan tahay in iyagana loo helo nidaam iyo hanaan ay ku ahaan karaan degmooyin, amba kaga hadli karaan.

Asbaabahaasi oo dhan markii uu goluhu qadariyey, qiimeeyeyna wuxuu go’aamiyey:

1.  In muddada korodhsiimo ee golaha wakiiladdu ay ahaato muddo laba sanno ah oo ka bilaabanta; 25/05/2003, kuna eeg 25/05/2005, haddii alla yidhaahdo.

2.  In xukuumadda, golaha wakiilada iyo guddiga komishanku ay u hawl-galaan daraasado iyo macluumaadyo laga raad-raaci karo, salna u noqon kara saamiyada kuraasida ee golayaasha, gaar ahaanna waa in la isku-taxaluujiyaa tiro-koob in la helo (pop. Census) amba xogo daraasadeed oo lagu go’aan qaadan karo, marka laga hadlayo saami-qaybsiga kuraasida golayaasha guud ahaan, gaar ahaana kuwa golaha Wakiilada.

3.  Iyadoo la xeerinayo dareemada kala duwan ee ka iman kara qaybaha bulshada, xisbiyada, xukuumada iwm, waxa uu golaha guurtidu ku adkaynayaa kuna boorinayaa guud ahaanba xubnaha golayaasha (Baarlamaankka), gaar ahaanna golaha wakiilada in lala yimaado Dar-dar iyo hanaan-hawl qabad oo wata hal-abuur, loogan faa’iideeyo bushada waayo-aragnimadii la kasbaday, haddiise uu iman-waayo hawl-qabad horlihi, waxa ay golayaashu ugu muuqanayaan Bulshada dad u fadhiya dantooda oo keliya, rabina in ay doorasho dhacdo iyo in ay cid kalaba waqti siiyaan.

4.  Iyadoo la fullinayo xeerkii is-maamulka gobollada iyo degmooyinka ee golayaashu ansixiyeen, waxa lagama maarmaan ah in la sameeyo sohdiimaynta gobolada iyo degmooyinka, lana kaashado khubaro aqoon u leh hawshaas guddi iyo farsamo.

5.  Ugu dambayntii dadweyne, golayaal, xisbiyo, iwm, Waxa muhiim ah loona baahan yahay in wada-jir loogu hawl-galo qabyo-tirista mashruucyada sharci ee golayaasha.

6.  Si gaar ah, xukuumadda cusub ee iman-doonta (dhismi doonta) waxa looga fadhiyaa in qorshe miisaaniyadeedka lagu darro, kharashyada ku bixi-doona Daraasadaha la xidhiidha tiro-koobka iyo doorashooyinka, labadda sanno gudahoodna lagu dhamaystiro qabyooyinka sababaha u ah dibu-dhaca doorashooyinka.

Go’aankani waxa lagu meel-marinayay cod aqlabiyadda oo 50 mudane, halka ay todoba mudane u codeeyeen in muddada korodhsiimada golaha wakiiladu ahaato 3 sanno, waxa kale ka aamusay 12 mudane, gudoomiyuhuna ma codayn, waxna kooramka fadhigu ahaa 70 muddane.

NB:
Waxa ku lifaaqan liistadii mudanayaasha golaha Guurtida ee joogay, sabab ku maqnaa iyo sabab la’aantaba.

Shirgudoonka golaha Guurtida:

1. Sh. Axmed Nuux Furre – ku simaha gudoomiyaha golaha Guurtida
2. Siciid Jaamac Cali – gudoomiye ku xigeenka 2-aad golaha Guurtida
3. C/laahi Ibraahim Habane –xoghaye golaha Guurtida.