JAMHUURIYA COMMENTARY 2001: What Should be Done about Unlawful Sentences

 

Jamhuuriya:  01/12/2001:

Maxaa xal u ah xukunadda ciqaabeed ee aan sharcigu xalaalayn.

 

Horaantii bishii May 1999kii, ayaa Golaha Wakiilladu ganafka ku dhuftay ansixinta sharcinimada Guddida nabad-gelyada, xilligaas oo ay xukuumaddu u gudbisay dalab ay ku doonaysay sharciyeynta Guddidaasi ayaa dood uu ka yeeshay Goluhu ka dib cod aqlibiyad ah ku diiday sharciyeynta Guddidaasi taas oo sharci darro ka dhigaysa jiritaanka Guddidaaasi wixii markaa ka dambeeyay.

 

Hase yeeshee, xukuumadda Madaxweyne Cigaal dheg jalaq umay siin go’aankaas Golaha sharci dejinta Qaranka, waxaanay Guddidaasi iska sii wateen xukumista xadhiga iyo soo saarista awaamiirta go’aanada ah. Tan iyo muddadaa waxa xukun Guddi nabad-gelyo xabsiga loogu taxaabay dad fara badan oo isugu jira dhallinyaro iyo waayeel ba, kuwaas oo ku jira xabsiyada badi magaalooyinka waaweyn oo uu guddidaasi ka jiro.

 

Xukunadii ugu dambeeyay ee ay guddidaasi gaadhaan, oo ay dad ku xabsi ugu direena waxaa ka mid ah:-

·        Horaantii sannadkan oo ay Guddida nabad-gelyada Boorama xukun xadhig ah ku fuliyeen dhallinyaro rabshadi ku dhex martay kubbad ay ciyaarayeen.

·        Sebtembar 28-keedii, sannadkan 2001 ayaa Guddi nabad gelyo saddex qof ku xukumay min saddex sannadood oo xadhig ah, magaalada Burco.

·        Sidaas oo kale magaalada Burco ayay isla gudidaasi xukun min saddex sanno ku xukumeen saddex qof badhtamihii bishan.

·        Magaalada Ceerigaabo, Guddi nabadgelyo ayaa ku xidhay lix qof bishii Oktoobar 22-keedii.  

·        Sidoo kale waxay isla guddidaasi horaantii bishan soo saartay go’aan ay isku hor taagayso cashuurta qaadka Laas-caanood, uga yimaada magaaladaasi oo ay ku soo rogtay Wasaaradda Maaliyadu.

·        Waxa kale oo ay Guddida nabad-gelyada ee Burco soo saartay go’aan ay ku joojinayso bixinta dhulka.

 

Xukunada Guddidani oo toos loo fuliyo isla markaana aan lahayn meel rafcaan looga qaato oo jabisa cafis Madaxweyne mooyee, ayaa walaac ku dhaliyay dadweynaha waxaanay is weydiinayaan sababta ay xukuumaddu ugu dhegsan tahay jiritaanka gudigan iyada oo aanay dalka jirin xaalad deg deg ah oo nabad gelyo darro ahi taas oo laga bixinayo jawaabo kala duwan.

 

Dadka qaar ayaa waxay ku macneeyeen inay xukuumaddu uga dan leedahay inay u adeegsato qaab ay ku cabudhinayso cidii ay u aragto inay ka hor imanayso danaheeda siyaasadeed, iyagoo qaar kalena ay ku doodayaan inay tani daliil u tahay sida ay xukuumaddu isaga indho tirto ilaalinta shuruucda ka soo baxda Golaha sharci dejinta dalka waxaase iyaguna jira dad fekrad kuwaa ka duwan qaba oo u arka in ay jiritaanka Guddidan nabad-gelyada loo baahan yahay mararka qaarkood iyo goobaha qaarkood.

 

Si kastaba ha ahaatee, waxa cad in go’aanada xukunka Guddidani uu meel ka dhac iyo gefba ku yahay xuquuqda distooriga ah ee muwaadiniinta iyada oo ay jiraan maxkamadihii shariciga ahaa oo la hor geyn karo qofkii dambi gala, iyada oo uu qofkuna ka helayo xuquuqdiisa is difaac. Haddaba, waxa is weydiintu tahay, maxaa xal u ah xukunada sharci darrada ah ee ay Guddida nabad-gelyada ee aan iyaduna sharciga ahayni sii wado? Jawaabta su’aashaasina waa mid u taala Madaxweyne Cigaal, iyo xukuumadiisa.