Somaliland Forum

 

War-Saxaafadeed

SF/CLC/07/05                                                                     Taarikh: 13/05/2007

 

Maxkamadda Distooriga ahi Miyaanay u Sinnayn Muwaadinka Sharcidarrada u Xidhan iyo Madaxweynuhu?

 

Maalintii Sabtidii ee bisha May 12, 2007waxaa damcay inay dacwad ka furtaan Maxkamadda Distooriga  sagaal (9) qof oo  ku u xidhan amar bilaa sharci ah oo ay go'aamiyeen Guddiyada Nabadgelyada Somaliland, iyaga oo dalbanaaya in xuquuqdooda Distooriga oo ay ku xadgudbeen Gudidyaddani ay Maxkamaddu  ka garnaqdo. Waxaa kaloo dacwaddan, sida sharcigu ugu ogolyahay, ka qayb ah  Ururka Shuro-Net oo ah daladda guud ee ururad xuquuqda dadka u hadla.

 

Nasiib darro, Gudoomiyaha Maxkamadda Distooriga ee Somaliland wuu diidday in ay aqbalaan waraaqihii dacwadda ay keeneen Qareenaddi dhibanyaasha oo xataa wax sabab ah ama go'an qoraal ah oo sharciga ku qotoma kamay bixin Maxkamadu. Taasi waxa raacday in Booliiska loo dalbaday oo dabadeedna halkaa lagu xidhay muddo gaaban Gudoomiyaha Shuro-Net oo matalaysey Ururkooda oo ahaa dacwoodaha tobonaad ee dacwaddan.

 

Guddiyadda Nabadgelyadda ee dhibanayaasha dacwadan wataa xidheen waxay maroorsadeen awoodaha Waaxda Garsoorka marka ay dadka xabsiga u taxaabaan. Tani waa arrin muddo badan ummadda Somaliland ka cabaneysay.  Waana mid baalmarsan Distoorka Somaliland. Waa arrin Baarlamaanka Somaliland hore uga hadleen, Distoorka Somalilandna ma ogala in wadanka lagaga dhaqmo Xeerakii hore ee ka soo horjeeda xuquuqda qofka iyo xorriyaadka aasaasiga (Q.130(5)).  Xeer kasta oo ka soo horjeeda Distoorkana waa waxba kama jiraan (Q.128(2)).

 

Dhibanayaashan Maxkamadda soo adeegtay waxay ku xidhan yihiin xabsiyadda Somaliland. Dadkan lama horkeenin maxkamad sharci ah sida ku qoran distoorka, looma ogalaan in ay is difaacaan oo qareen qabsadaan,  laguma cadeyn danbi, looma ogalaan in ay rafcaan ka qaataan amarkan lagu xidhay, xorriyadoodiina ilaa hadda si aan xeerka waafaqsanayn ayaa  looga qaaday – in taas oo dhami waa waxyaabo baalmarsan Qodobdda distoorka ee kafaalqaadaya xuquuqda qofka.

 

Waxaa markaas la yaab ah in Maxkamaddii maalintii dhaweyd Madaxweynaha Somaliland sida deg dega uga aqbashay kiiskii ku saabsana Go’aankii Baarlamanka oo ay ku aqbashay Qodobaka guud ee 98aad ee Distoorka oo ku  saabsan  awooda garsoorka, ay maanta diido in ay qabato (iskabadaa in ay soo saarto go’aan ogalaasho ama diidmo ahba) dacwad dhibanayaal xuquuqdooda distoorka u baahan in loo fasiro.  Fiiro gaar ah waxaa mudan:

 

a)       In dhibanaayaashani ay xaq u leeyahiin in ay furtaan dacwad sida uu dhigayo Qodobka 28(1):  Qof kasta wuxu xaq u leeyahay in uu dacwad xeerka waafaqsan ka furto maxkamadda awooda u leh”;

b)       in dacwadani ay tahay mid distoori ah oo dhibanaayaashu ay ku dacwoonayaan in xuquudoodii distooriga ahaa ay ku xadgudubeen Gudiyaddan dawladu dhisatay oo xubnahooda tirada badani ay yihiin waaxda fulinta;

c)        in dhamaan awoodahan Gudiyaduna ay yihiin wax lid ku ah Distoorka;

d)       in Maxkamadani ay tahay ta gaarka u ah “muran kasta oo la xidhidhiidha waafaqsnaanta Distoorka” (Q.98(1)(j));

e)       in hawsha garsoorka ay ka mid tahay “u-gar-naqa ka dhaxeya Dawladda iyo dadkasida ku xusan Q.97aad ee Distoorka.

 

Ururka Shuro-Net oo ah urur sharciyeesan oo u shaqeeya xuquuqda aadamiga ah oo ah danta guud iyo dan shaqadooda u khaasi waxay arkeen in arrintani ay saameyso dad faro badan oo xabsiyadda Somaliland ku xidhan.  Sidaas awgeed, waxa u fasaxa Shuro-Net in uu  dhexgalo dacwadan Q.186aad iyo Q.68aad ee Xeerka Habka Madaniga ah, habkaas oo la mid kuwa adduunka laga yaqaan oo u suurta geliya in dacwadaha ku saabsan arrimaha danta guud ay soo dhexgeli karaan ururada iyo hay’adaha danahaas ku takhasusa (interventions).

 

Ururka Somaliland Forum oo muddo badanba soo jeedineyey in awwoodahan garsoorka ay Gudiyadda Nabadgelayadda maroorsadeen la baabi’yo aad iyo aad ayuu u taageersanyahay dacwadan Maxkamada la keenay, si buuxdana wuxuu ugu garab taagan yahay Ururka Shur-Net. Ururku wuxu cambaarenaya sida foosha xun ee furintaanka dacwada ilaa hadda loola dhaqmay, iyo xadhigii gaaban ee Gudoomiyaha Shuro-Net, waanu ku taageeraya dhibanayaasha iyo Shuro-Net in ay dib-ugu-celiyaan dacwaddan Maxkamada si deg deg ah. 

 

Ururka Somaliland Forum wuxu ku adkeynayaa Maxkamadda Distooriga in ay ka fakarto arrintan oo si gacmo furan dhibanyaashan dacwadooda u qabato, kana fadhiisato, go’aan sharciyeysanna ka gaadho. Xitaa haddii ay Maxkamadu qabto in ay jiraan dhaliilo habka dacwadda, waa in ay soo saarta qoraal si loo hagaajiyo. Dad badan ayaa u xidhan Gudiyaddan Nabadgelyada oo dacwadani waxa ay fursad u noqoneysaa Maxkamadu in ay go’aan saameyn kara dad fara badan halkaas ka gaadho.

 

Maxkamadani waxay hore bishii Juun 2004 kasoo jawaabi weyday dacwad qoraal aha oo ku saabsan Gudiyadda Nabadgelyadda oo ay u soo gudbiyeen labadda xisbi ee KULMIYE iyo UCID.  Haddii ay Maxkamaddan kama dambeyska ahi ay iska indhitirto dacwadan hadda loo keenay marka lagu soo celiyo iyo kuwa kale ee la midka oo loo keeni doono, had iyo jeerna ay u dhago-nugulaato markasta oo Madaxweynuhu kiis distoori ah u keeno, kalsoonida umadda ayey waayeysaa,  taasina cawaaqib xun ayey inoo keeneysaa. Distoorka iyo Xeerarka waa loo simanyahay sida ku cad Q.8(1)aad ee Distoorka Somaliland, arrimaha xuquuqda dadkana waajib gooni ah ayaa ka saaran Garsoorka iyo waaxyaha kale ee qaranka (Q.21(1)).


Uga dambeyn, Ururka Somaliland Forum mar kale ayuu ka codsanayaa Dawladda Somaliland inay sida ugu dhakhsaha badan u baabi’so awoodaha garsoorka ee Guddiyada Nabadgelyada,  ciddii danbi lagu hayo amma lagu soo oogana la mariyo maxkamdaha sharciga ah.  Gudiyadani hawlaha kale ay ka qabtaan sugidda nabadda waa xilkood oo cid diidani ma jirto. Hase yeeshe, awood ay dad ku xidhaan malaha, xubnaha Gudiyadanna waxaanu xusuusineyna in mid kastaaba uu mas’uul ka yahay mar kasta oo uu ku xadgudbu xuquuqa dadka oo uu ka qayb galo amar lagu xidhayo qof, taasna mar uun lagala xisaabtamidoono.

 
 
Wabillaahi Tawfiiq


 Ururka Somaliland Forum

 

 

Ururka Somaliland Forum waa urur madaxbannaan oo ay isku bahaysteen qurba-joog reer Somaliland ahi. Waxa uu ururkani aaminsan yahay qarannimada, horumarka iyo madaxbannaanida Somaliland, waxanu iskaashi la sameeyaa jaalliyadaha Somaliland ee dalka dibaddiisa ku dhaqan iyo waliba ciddii kale ee danaysa horumarka Somaliland. Ururkani wuxu rumaysanyahay in dadka reer Somaliland ee dibaduhu ay door ka ciyaari karaan horumarinta dalkooda.

 

Wixii faahfaahin ah ee arrintan ku saabsan, fadlan la soo xidhiidh Gudiga Distoorka iyo Xeerarka ee Somaliland Forum:  Ibrahim Hashi Jama, UK, law@somalilandforum.com  ama Ibrahim@somalilandlaw.com .

 

Gudidda Dhexe ee Somaliland Forum:

1. Chairman:                       Rashid Garuf -US, Chairman@somalilandforum.com

2. Vice Chair:                      Abdirahman M Magan,

3. Secretary:                        Abdinasir Haibe -

4. Treasurer:                       Ismail Awad - Kenya

5. Member at Large:        Ahmed Jama - Somaliland

 

Somaliland Forum Website: http://www.somalilandforum.org