Report of a Ministerial programme relating to the creation of marine reserves and the conservation of marine life – 22 April 2007

 

Wasiirka Wasaarada Kaluumaysiga oo Wareegto ka soo saaray Xaalufinta Xeebaha Somaliland.  April-22-04

Hsdhwanaag News WN(Hargeysa)-

Wasiirka Wasaarada Kaluumaysiga iyo Xeebaha Mudane Maxamed Maxamud Faarax (Oday), ayaa shalay shaaca ka qaaday in shan goobood oo ka mid ah Xeebaha badaha Somaliland laga sameeyay seerayaal xeebeed, Wasiirka Mudane Maxamed Maxamuud Faarax (Oday) oo shir jaraa’id xafiiskiisa ku qabtay waxaa uu sheegay in Jasiiradaha Sacaadudiin,  Koorshoora, Beebeed, iyo xeebta Maydh iyo Dufinle ay yihiin goobaha loo aqoonsdaya seerayaasha isagoo halkaasna ka akhriyay qoraal dheer waxaa uu dhignaa sidan:


Bada Cas iyo gacanka cadmeed waxay can baxday deegaamada iyo quruxda aan wax la mid ahi jirin,noocyadeeda noolayaasha kala duwan,shacaabiyada , geedaha takhayd, deegaanka cawska leh iyo qiimaha khayraadka kale eek u jira, Gacanka cadmeed waxay Somaliland ku leedahay 850 KM oo xeeb ah inkastoo khayraadka ku jiri aan weli adigiisa si fiican loo aqoon,waxaase la og yahay inay wali dihin tahay, waxaana khayraadka ku jira xeebtaas looga faa’iidaysan karaa cunto ahaan daawooyin macdan ahaan tamar dalxiis shaqo abuurid iyo waxyaabo kale,laakiin dadka way u dag tahay inay si habsami ah u maamulaan khayraadkooda siiba marka ay timaado inay kala doortaan dakhli yar oo dhaqso loo helayo iyo faa,iido weyn oo mustaqablka fog ah, daryeel la’aanta ka timaada waxaa dadka ka dhexeeyaa waa mid can ah, waxaa ay dadku wada leeyihiin waxaa uu markiiba noqdaa waxaan cidiba lahayn waayo waa uu burburayaa ama xaalufayaa, hadii aan khayraadka la ilaalin ama aan xeer loo samayn hantida dadweynaha ha noqoto mid la daaqo ama mid kaluumaysiba waxay noqdaan kuwo la booboo oo lagu talax tago waayo cidina iskama xil saarto inay ka fikiraan waxna u dhigaan mustaqbalka ama da,da iman doonta.


Abuurida seero badeed waa nidaam ay dawladuhu ku maamulaan khayraadkooda si joogto ahna loogu manaafacaadsado, iyadoo aan wax loo dhimayn khayraadkaas si ay uga faa’iidaystaan dadka inaga ambeeya, ujeedooyinka loo abuuro seera badeedyadu waxay isugu biyo shubtaan si loo dhawro deegaanadaas si maanta iyo mustaqbalkaba looga manaafacaadsado taasina waxay u baahan tahay in la dhawro meelaha kaluunka iyo noolayaasha kalaba ay ku dhalaan iyo meelaha ay ku koraan deegaanada gaarka ah meelaha ay ku nool yihiin kuwa sii dabar go,aya, abuurtisa seerayaashani kama celinayso dadka inay ka faa,iidaystaan khayraadka, nidaamka seerayntu waxaa uu ogal yahay in si caqli gal ah looga faa,iidaysto goobahaas laakiin aan la xaalufin



Wasiirka Wasaarada kaluumaysiga Mudane Maxamed Maxamuud Faarax (Oday) oo sii wata qoraalkiisan uu ka akhriyay shirka jaraa’id waxaa uu hadana yidhi

 

Wasaarada Kaluumaysigu:

 

Markay aragtay:         culaysyada dhinaca dadka kaga iman kara nololaha kala duwan ee bada iyo deegaanka ay ku nool yihiin, kuwaa soo ay ka mid yihiin, baabiinta iyo goynta loo gaysanayo dhirta Takhayga ah oo muhiim u ah deegaanka kaluunka iyo noolayaasha badaba, burburinta shacaabiga  iyo caws badeedka oo ah meelaha uu ku dhalo kaluunku, Qiyaas la ‘aanta loo guranayo iyo noolayaasha kalaba, khatarta lagu hayo noolayaasha muhiimka ah  ee sii yaraanaya sida qubada saca badeedka iyo libaax badeedka, Tafiir go’a ku dhacaya libaax badeedka loo yaqaan miishaar ama saraaciimo, geeslaha iyo qubada.

 

Markay deristay:         waayo aragnimada wadama hore u sameeyay seerayaasha badda iyo waxtarka ay u keentay dadkooda iyo dalakooda, waxtaradaas oo ay ka mid yihiin, Habsami uga faa’iidaysiga khayraadka badda, dhawrsanaanta noolaha kala duwan, wadajir u wada noolaanshaha noolayaasha oo si fiican u jirta, deegaandii hore loo burburiyay oo soo noolaada, degaano dabiici ah oo lagu samayn karo cilmi baadhisyo,kaabida horumarinta dalka iyadoo ay abuurmayaan fursado shaqo iyo dalxiis waayo deeganada aan la wasakhayn.

 

Markay  tixgalisay:     iskaashiga xaga bada iyo dhawrista deegaanka ee ka dhaxeeya wadamada ku yaala Bada Cas iyo Gacanka cadmeed iyo sida ay iskula garteen in 12 goobood loo magacaabo seero badeedyo goboleed kuwaas oo ay ka jirto jasiiradaha Sacaadadiin iyo Ceebaad ee xeebteena in shnata goobood ee hoos ku qoran loo aqoonsado Seero Badeed kuwaas oo kala ah:

·       Jasiiradaha  Sacaaddiin,

·       Ceebaad ee gobolka awdal,

·       Koorshoora oo ku taal Karin gobolka saaxil,

·       Xeebta Dufinle oo kutaal gobolka Sanaag,

·       Jasiirada Maydh ee Gobolka Sanaag.


Hadaba si loo hirgaliyo arintaas waxay u baahan tahay barnaamij isku xidhan oo waqtiyaysan oo la fuliyo waxaana ka mid ah.

1.      In lagu dhawaaqo lana baahiyo in goobahaas yihiin Seero Badeedyo

2.       In la wacyi galiyo dadka ku nool xeebaha iyo kuwa ka shaqaysataba

3.      In la lala kulmo dadka odayaasha ah deegaanada si dood iyo talo
iswaydaarsi loola yeesho

4.      In la abuuro gudiyo goobahaas ku nool oo ka kala tirsan maamulalka dawlada  iyo dadka deeganaas

5.      In la tababaro dhalinyaro goobahaas oo isku xilsaara dhawrista seerayaasha

6.      In marka u horaysaba laga mamnuuco maraakiibta sharciga haysta inay deegaanadaas gaadhaan shan Km oo isku weer ah

7.      In xiliyo la xidho inay dadka xeebuhu ka kaluumaystaan deeganaadas

8.      In laga joojiyo dabashada noocyada khatrata ku jira

Wasiirka Wasaarada Kaluumaysiga Mudane oday waxaa uu sheegay inuu qoraalkiissan u gudbiyay Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin.