Jamhuuriyadda Somaliland

Xeerka Saxaafadda(Xeer No. 27/2004)

 

GOLAHA WAKIILADA

Markuu Arkay:     qodobka 32aad ee Dastuurka oo si cad u kafaala qaadaya  xorriyadda qawlka iyo qoraalka. 

Markuu Xaqiiqsaday:    in jiritaanka, horumarinta iyo kobcinta saxaafadda xorta ah ee awooda badan leh, ay lagama maarmaan u tahay tarjamadda dhabta ah ee xorriyatul-qawlka iyo dimoqraadiyada.

Markuu Tixgeliyay:  in xorriyadda saxaafaddu, aanay muwaadiniinta u ahayn oo kaliya Golaha ay ku muujin alahaayeen fikradahooda, ee ay waliba saxaafaddu ka qaadato kaalin joogto ah Ilaalinta xuquuqda dadka oo dhan, iyo horumarinta dhaqanka dimoqraadiga ah, iyadoo isla marka u saamaxaysa muwaadiniinta fursadda ay kaga dhiiban lahaayeen fikrado miisaaman amuuraha kala duwan ee xasaasiga ah, iyo soo bandhigidda ra’yigooda khuseeya siyaalaha ay u socdaan hawl-qabadyada ummaddu.

 

Wuxuu Ansixiyey Xeerkan:

Xubinta I

Mabaadiida Guud

Qodobka 1aad

Waxa Xeerkan loogu yeedhayaa: Xeerka  Saxaafadda (Xeer No. 27/2004)

 

Qodobka 2aad

Qeexidda erey-bixinta

Qeexidda Xeerkan gudihiisa, haddii ujeedadu aanay wax kale u baahnayn, waa sidan:

“Saxaafad”   micnaheedu waa abuuridda hawlqabad kasta oo saamaynaya maskaxda iyo fikradaha dadweynaha oo dhan, sida: wargeysyada, joornaalada, qoraalo xiliyeedyo, wakaaladaha wararka, raadiyaha, telefishanka, filimada la daawado, (filimo & video), masawirada, kartoonada, buugaga, miyuusiga iyo wax kasta oo loogu talo galo isku xidhiidhinta wadareed (mass communication).

“Suxufi”   micnahiisu wuxuu yahay, qof kasta oo ka hawl gala shaqooyinka  saxaafadda

“Ablaawe”   micnihiisu waa ilmaha aan aabihii la aqoon.

“Faraxumayn”      micnihiisu waa isku dayga ama smaynta fal kufsi.

Qodobka 3aad

Xorriyadda Saxaafadda 

a)           xorriyadda saxaafadda waxa xaqiijinaya oo aqoonsaday Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, waxayna ixtiraan iyo xishmad ka mudan tahay dalkan Somaliland gudihiisa.

b)           Saxaafadda cabudhin lagulama kici karo.

c)            Waxa reeban wax kasta oo loo qaadan karo faaf-reeb (censorship).

d)           Suxufiyiintu waxay isu abaabuli karaan urur-xirfadeedyo (professional organizations) oo leh dallad guud (umbrella) iyo xeer-hoosaad anshax oo midaysan.

Qodobka 4aad

Ujeedada Saxaafadda

a)           Ururinta iyo fidinta wararka

b)           Bandhigidda fikradaha khuseeya amuuro kala duwan.

c)            Shaac-bixinta dhaliilaha ama taageerada ku wajahan amuuro kala duwan ee dalka gudihiisa  iyo dibedaba.

d)           Ka qaybgalka saamaynta ra’yul caamka dadweynaha, iyagoo isticmaalaya habab kala gedisan.

Qodobka 5aad

Xaqa ka qaybgelidda hawlaha saxaafadda & Xaqa Socodsiinta Hawl-qabad Saxaafadeed  

Qof kasta oo muwaadin Somaliland isagoo kelidiis ah ama shirkad kula ah dad kale, wuxuu xaq u leeyahay abuurida iyo Socodsiinta hawl-qabad kasta oo saxaafadeed.

Xubinta II

DIIWAANGELINTA SAXAAFADDA 

Qodobka 6aad

Diiwaagelinta Saxaafadda

a)           Cid kasta oo damacsan inuu aasaaso hay’ad saxafadeed, waxa waajib ku ah inuu iska diiwaangeliyo Xeer-ilaalinta guud ee Qaranka, ka dib marka shuruudaha xeerkani tilmaamayo soo dhamaystiro.

b)           Haddii arrintu khusayso hay’ad hore u diiwaan gashanayd oo damacsan inay ku kordhiso soo saaridda wargeys horle ama saxaafad cusub, waxa waajib ku ah hay’addaas inay diiwaan geliso waxqabadkaas cusub ama ay kordhisay ee saxaafadeed si waafaqsan Habka diiwaagelinta.

c)            Haddii arrintu ay khusayso xafiis ama hay’ad dawladeed, oo doonaysa inay qabato nooc kasta oo saxaafadeed, waxa lagama maarmaan ah, si xeerkan loo tixgeliyo in hay’addaas ama xafiiskaasi is diiwaangeliyo.

Qodobka 7aad

SHURUUDAHA DIIWAANGELLINTA

1)           Dalabka lagu codsanayo diiwaangelinta waa inay la socotaa tafaasiishan hoos ku qoran:

a)           Magaca mulkiilaha ama mulkiilayaasha hawlqabadkaas saxaafadeed.

b)           Magaca hawlqabadkaas saxaafadeed yeelanayo.

c)            Magacyada tifaftirayaasha sare iyo soo saarayaasha hawlqabadka saxaafadeed. Kuwaas oo waajib tahay in aqoontooda waxbarasho  gaadhsiisan tahay heer dugsi sare, isla markaana shahaado ku haystaan mihnada saxaafadda.

d)           Nooca hawlqabadka saxaafadeed ama warbaahineed ee la diiwaan gelinayo.

e)           Cinwaanka hawlqabadkaas saxaafadeed iyo meesha ay ku taal sida: degmo, xaafad, dariiq, iwm.

f)             Magaca iyo cinwaanka soo saaraha hawlqabadkaas saxaafadeed (publisher), haddii uu ka duwan yahay mulkiilaha hawlqabadkaas.

g)           Saxaafadda iyadoo aan isdiiwaan gelin wax soo saarta, waa laga xayirayaa ilaa inta ay is diiwaangelinayso.

2)           Mulkiilaha hawlqabad kasta oo saxaafadeed, waxa waajib ku ah, inuu isla Markuu cinwaankiisa bedeloba si deg deg ah u ogeysiiyo xafiiska Xeer-ilaalinta iyo ururka saxaafadda ee uu ka tirsan yahay.

Xubinta  III

XUQUUQDA HELITAANKA WARARKA

Qodobka 8aad

Awooda Helitaanka & Fidinta Wararka

1)           Suxufiga   looma xidhi karo hawlgal saxaafadeed, iyadoo xadhigiisa aanay xalaalayn Maxkamad awood u lihi.

2)           Saxaafad   kastaa  iyo wakiiladeedu, haddii aan Xeer ka reebin.waxay xaq u leeyihiin inay ka doonaan, ka helaan, kana weriyaan wararka iyo macluumaadka ilo kasta oo dawladda ah, oo wararkaas iyo macluumaadkaasi ku xidhan yihiin.

3)           Saxaafad kasta iyo wakiiladeedu, waxay xaq u leeyihiin fidinta wararka, macluumaadka iyo wax soo saarka kale ee saxaafadeed .

4)           Suxufigu wuxuu xaq u leeyahay inuu dawladda ka helo wixii dhokomenti ah ee la xidhiidha hawlihiisa.

5)           Arrimaha hoos ku qoran lama ogola shaac-bixintooda iyo fidintoodaba:

a)           Tacliiq ku saabsan dacwad aan go’aan laga gaadhin, oo weli maxkamad hor taal.

b)           Iyadoo qofka ay khusayso ogolaado mooyaane, macluumaadka khaaska ah, ee khuseeya dhibane fal-dambiyeed la gaadhsiiyey.

6)           Sheegidda ilaha wararka:

         Soo saaraha ama tifaftiraha ama wariyaha ilaha uu ka helay ama ka soo xigtay macluumaadka uu u isticmaalay saxaafaddiisa waxa keliya oo waydiin kara garsooraha maxkamadda, haddii ay lagama maarmaan u tahay go’aan ka gaadhista dacwad maxkamad hortaal.  

Qodobka 9aad

Xaqa Jawaab-Celinta

1)           Haddii war ama macluumaad khuseeya qof laga qoray hawl-qabad saxaafadeed, waxa qofkaasi xaq u leeyahay inuu ku jawaabo isla saxaafadaa warku ku soo baxay.

2)           Hawl-qabadka saxaafadeed ee warkaas oo kale soo saara, waxa waajib ku ah inay fursad u siiyaan qofka ay khusayso  inuu sida ugu dhakhsaha badan  kaga jawaabo habkii iyo meeshii  markii hore laga fidiyey/baahiyey.

Xubinta IV

MASUULIYADDA SAXAAFADDA

Qodobka 10aad

U Hogaansanaanta  Xeerka Saxaafadda

1.            Saxaafad kasta waxa ku waajib ah inay xaqiijiso in wax soo saarkeeda saxaafadeed ee ay fidiso uu noqdo mid run ah oo dheelitiran.

2.            Saxaafad kasta  waxa ku waajib ah ilaalinta iyo xafidaada sirta xeryaha ciidamada ee baahintoodu keeni karto in ay cadawgu wiiqaan istaraatiijiyada iyo awooda ciidan ee dalka.

3.            ma banana suxufi shisheeye  inuu galo ama sawiro xeryaha iyo fadhiisimada ciidamada iyo goobaha kale ee galistiisu si ku meel gaadh ah loogu diidan yahay sababo amaankiisa la xidhiidha darteed. Haddii aan loo ogolaan.

4.            ma banana in saxaafadda lagu baahiyo sawiro iyo muuqaalo  aadame oo qaawan, haddii aanay kalifin sababo cilmiyeed.

5.            ma banaanana in saxaafaddu baahiso faalooyin iyo maqaalo  lagu ceebaynayo ku dhaqanka shareecada iyo karaamadda diinta islaamka.

6.            Saxaafadda ku xad gudubta faqradaha qodobkan, waxa loo raacayaa anshaxmarinta ku xusan xeer-hoosaadka anshaxa saxaafadda iyo xeerarka madaniga ee dalka ee falkoodu khuseeyo.

7.            Saxaafadda waxa ku waajib ah bixinta cashuurta rukhsadda (licence fee).

8.            Saxaafaddu way u siman tahay cashuuraha iyo takaaliifta kastamka ee la xidhiidha keenista agabka iyo qalabka saxaafadda.

Qodobka 11aad

Kaydinta Macluumaadka Suxufiga & Qorayaasha

1)           saxaafad kasta waxa ku waajib ah inay kaydiso magaca iyo cinwaanka qoraha, suxufiga ama tifaftiraha waxsoo saar saxaafadeed kasta.

2)           Haddii qoraha ama tifaftiraha wax soo saar saxaafadeed uu isticmaalo naanays qof loo yaqaan oo uu oggol yahay, waxa waajib ku ah wax qabad kasta oo saxaafadeed inay magaciisa oo dhan la raaciyo naanaystaas.

Qodobka 12aad

Arrimaha Lagu Muujinayo Wax-soo-saarka Saxaafadeed

1)            Saxaafad kasta oo fidinta wax soo saarkeedu uu qoraalka yahay waxa waajib ah inay ku daabacaan magaca iyo cinwaanka mulkiilaha hawlqabadkaas saxaafadeed, magaca, xarunta iyo cinwaanka tifaftiraha sare, ku xigeenka tifaftiraha sare iyo soo saaraha.

2)            Haddii wax soo saarka saxaafadeed lagu fidiyo noocyo kale oo saxaafadda ah, waxa waajib ah in magaca iyo cinwaanka soo saaraha iyo magacyada maamulaha ay ku soo baxaan meel muuqata.

3)           Haddii hawl qabad saxaafadeed uu mar labaad dib u soo saaro warar ama macluumaad markii hore ay soo saartey wakaalad war, ama warkaasi ku soo baxay wax soo saar saxaafadeed oo kale, ama laga helay ilo gaar ahaaneed, waxa waajib ah in mulkiilaha curiyey la sheego in laga soo dheegtay.

Xubinta V

DHAQANKA SAXAAFADDA

Qodobka 13aad

 Raadinta Xaqiiqda

a)           Saxaafadda waxa  waajib ka saaran yahay inay si weyn uga taxadiraan, soo saaridda qoraalada aan runta ahayn iyo kuwa khaldan.

b)           Mar kasta oo la hubiyay in la soo saaray macluumaad aan run ahayn, war-bixin marin habaabin ah, ama mid khaldan, waxa saxaafadda waajib ku ah inay isla markiiba saxdo, kuna saxdo meel bayaan u muuqata.

c)             Saxaafadda waxa ku waajib ah inay si daacadnimo iyo xaqiiqo ah u wariyaan xogta & go,aanada ka soo baxa gar eedayn ah oo ay Xubin ka yihiin.

Qodobka 14aad

Faalada iyo Warka

Saxaafadda iyadoo ay xaq u leeyihiin madaxbanaanidooda , waxa haddana waajib ku ah inay  kala saaraan faallada iyo warka.

 

Qodobka 15aad

Xorriyadda Gaarka ah (privacy)

Gelista fasax la’aanta ah, baadhista amuuraha qofka u gaarka ah, iyadoo aan fasax la haysan, taasoo ay weheliso isticmaalka musawir qaadayaasha wax soo dhaweeya, si musawiro looga qaado dad jooga hoy gaar ahaaneed, iyadoo aanay ogolayn, waxa keliya oo la fasaxi karaa, marka keliya ee la caddayn karo, in hawlahaasi yihiin, ama si macquul ah loo ogaan karo, kuwo looga dan leeyahay Ilaalinta maslaxadda caamka ah.

Qodobka 16aad

Hoyga gaarka ah waxa loo yaqaan:

a)            Gurri kasta oo khaas ahaan loo deggan yahay, iyadoo ay weheliso beertiisa iyo dhismayaasha ku wareegsan, laakiin kuma jiro xero kasta oo ku qabsan, ama barxadda baabuurta la dhigto ee ku hor taal, iyo qaybaha ku wareegsan dhulkaas iyo jidadka muuqda ee dadku marayaan.

b)            Qolka la seexdo ee hudheelada, hasa yeeshee kuma jiro qaybaha kale ee hudheelku.

c)            Qolalka ka midka ah cusbitaalada ama xarumaha daaweynta, ee lagu daweeyo ama la jiifiyo dadka.

Qodobka 17aad

Qalabka Dhegeysiga:

Iyadoo lagu ilaalinayo maslaxadda caamka ah mooyaane, saxafiyiintu uma heli karaan marmarsiiyo, kumana soo daabici karaan wax soo saar lagu helay isticmaalka qalabka dhegeysiga sirta (kuwa basaasiintu isticmaasho) ama dhex u fadhiisiga wada-hadalada gaar ahaaneed ee telifoonada, ama sheekooyinka khaaska ah oo si qarsoodi ah u duubto.

Qodobka 18aad

Amuuraha Gaarka ah:

Waxa reebban ku xadgudubka xorriyadda gaar ahaaneed, waxay si gaar ah u khuseeyaan baadhista ku saabsan shakhsiyaadka cusbitaalada ku jira ama jeelka ama maxkamad taagan.

Qodobka 19aad

Hufnaanta anshaxa Saxaafadda

Warbaahintu waxay leedahay anshax hufan,  waana in warkeedu noqdo mid sugan oo dheelitiran.

 

Qodobka 20aad

Isku-sheegidda khaldan

Suxufiyiinta waxa waajib ku ah, inaanay ku helin ama ku raadin wararka ama musawirada ku qaadin, iyagoo isticmaalaya magacyo aanay lahayn oo khaldan..

Qodobka 21aad

Qaab-raadinta Warka

a)           Suxufiga waxa waajib  ku ah, inaanu ku helin, kana raadin inuu ka helo wararka, macluumaadka ama musawirada, isagoo isticmaalaya hanjabaad, caga-juglayn.

b)           Waxay masuuliyadda tifaftirayaashu tahay xaqiijinta  ku camal falidda amuurahaas.

Qodobka 22aad

Ku xad-gudubka tacsida iyo murugada:

Meelaha ay ka jiraan tacsi iyo murugo, waxa saxaafadda waajib ku ah, inay waraysigooda ugu tagaan oo lagu soo qaado hab naxariis leh.

Qodobka 23aad

Waraysiga & Musawirada Caruurta:

Suxufiyiintu waa inaanay guud ahaan waraysi la yeelan ama musawirin caruurta ay da’doodu ka yar tahay 15 sanadood, oo aanay kala hadlin amuuraha khuseeya daryeelkooda, ama daryeelka caruur kale, haddii aanay la joogin waalidkoodu, ama aanay waalidkaasi ogolaan, ama aanu qof wayn oo masuul ka ah caruurtaasi aanay goob-joog ahayn sida ku qeexan xeerka caalamiga ee xuquuqda caruurta.

Qodobka 24aad

Caruurta & Dacwadaha faraxumaynta

a)           Saxaafaddu waa inaanay, xitaa mararka aanu sharciga diidayn, tilmaamin caruurta ka yar 15 sano, ee ay saameeyaan dacwadaha ku saabsan faraxumaynta, haddii ay dhibanayaal ama markhaatiyaal ama eedaysanayaal yihiin.

b)           Wararka ku soo baxa saxaafad kastaba, ee khuseeya fal-dambiyeed faraxumayneed loo gaystay ilmo caruur ah:

-   qofka qaangaadhka ah, ee falkaas geysta waa in la tilmaamaa;

-   fal dambiyeedka waa in lagu sheegaa “fal-dambiyeed culus oo caruur yar yar loo geystay” ama hadal munaasib ah oo u eg;

-   ilmaha falka loo gaystay lama magacaabi karo; lamana sawiri karo.

-   taxadar waa inuu ku jiraa, inaan warka lagu sheegin wax tilmaami kara, haddii ay jirto xigtanimo ka dhaxaysa eedaysanaha iyo ilmaha dhibanaha ah.

Qodobka 25aad

Dhibanayaasha faraxumaynta & Ablaawaha

Saxaafadda waxa ku waajib ah, inaanay tilmaamin ama carifin dhibanayaasha faraxumaynta ama uuraynta aan sharciga ahayn isla markaana la samayn wax soo saar keeni kara carifaadaas oo kale, haddii aanay jirin amuuro cad oo saamixi kara, kuwaas oo sharci ahaan u ogolaanaya inay sida yeelan.

Qodobka 26aad

Kala Sooca (discrimination)

Saxaafadda waxa waajib ku ah, inay ka fogaato xaqiraada ama hoos u dhiga lagu tilmaamayo qofka midabkiisa, jinsiyaddiisa, noociisa, ama aqoontiisa, bukaankiisa maskaxeed ama jidheed ee haya ama naafanimadiisa.

Qodobka 27aad

Masuuliyadda Dhaqanka saxaafadda

Tifaftirayaashu iyaga ayaa ka masuul ah falalka suxufiyiinta ka hoos shaqeeya, waxana waajib ku ah inay ku qancaan in qoraalada ay ka helaan dadka aan u shaqayn, in lagu qoray si waafaqsan anshaxa saxaafadda.

Xubinta VI

QODOBADA GUUD

Qodobka 28aad

Keenista Saxaafadda Qalaad

 Saxaafad qalaad ama wakiiladeedu way ka hawlgali karaan dalkan JSL. Waxanay xuquuqda iyo waajibaadkaba kala siman yihiin saxaafadda wadaniga ah, waxana lagu dhaqayaa xeerkan.

Qodobka 29aad

Mudada Kala Guurka

 Diiwaangelinta ku xusan qodobka 6aad ee xeerkan ma saamaynayso saxaafaddii hore u diiwaan gashanayd.

Qodobka 30aad

Waajibinta la shaqaynta saxaafadda

1.      Saraakiisha Dawladda waxa waajib ku ah, inay la shaqeeyaan oo gacan siiyaan saxaafadda, si ay hore ugu mariyaan mabaadiida sheegaysa xaqa dadweynuhu u leeyahay  warhelidda.

2.      Xukuumadda waa inay dhiirigeliso saxaafadda isla markaana taakulayso intii suura gal ah.

Qodobka 31aad

Tir-tirid

Xeer kasta, sharci kasta, wareegto kasta iyo amar kasta oo khilaafsan ama ka hor imanaya Xeerkan way burayaan marka Xeerkani dhaqangalo.

Qodobka 32aad

Dhaqan gelinta Sharcigan

Waxa Xeerkan Awoodiisu ay dhaqangelaysaa marka uu saxeexo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Allah Mahad Leh

 

 

Maxamed Xuseen Cisman                                                       Axmed Maxamed Adan

Xoghayaha Guud G/Wakiilada                                             Gudoomiyaha Golaha Wakiilada