XEERKA
NIDAAMKA URURADA IYO AXSAABTA SIYAASADA IYO WAX KA BEDELKII HIRGALEY
Xeerkani wuxuu markii
hore dhaqangaley 20kii Ogosto 2011 oo Madaxweynuhu saxeexay (sida ku xusan Dikriitada
Madaxweyne ee ku lifaaqan Xeerkan). Wax
ka bedelkii Xeerkuna wuxuu dhaqangelay 13kii Diisambar 2011 Markii Madaxweynuhu
saxeexay (sida ku xusan Dikriitada Madaxweyne ee labaad ee ku
lifaaqan Xeerkan).
Waxaa halkan
hoos qoran Xeerkii Nidaamka Ururada iyo Axsaabta Siyaasada iyo Wax ka bedelkiisii
oo dhan. Qodobadda Wax
ka bedelka waxay ku
qoranyahay far leexsan (in Italics).
Ibrahim Xaashi Jama, www.somalilandlaw.com
22/12/2011
JAMHUURIYADDA SOMALILAND
XEERKA NIDAAMKA URURADA
IYO AXAABTA SIYAASADA
IYO WAX KA BEDELKIISII
HIRGALEY (oo far leexsan ku qoran)
XEER No. 14/2011
GOLAHA WAKIILADA
Markuu arkay: Qodobka 9aad,
22aad, iyo 23aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland.
Markuu arkay: Xeer Madaxweyne ee Lr: 0165/072011 ee tixraaca RSL/M/ERM/249-635/07211,
ee Furashada Ururada Siyaasadeed iyo Geedi Socodka Doorashooyinka iyo kaabista
iyo wax kabalka Xeer Lr.14/2000.
Markuu Xaqiijiyay: In ay lagama maarmaan tahay in la abuuro Xeerar iyo Shuruuc
kala hagta sida ay Muwaadiniintu u gudan karaan xuquuqdooda siyaasadeed si
waafaqsan Dastuurka iyagoo uga qayb-qaadanaaya hawlaha siyaasadeed si nabagelyo
ah si ay awoodda dalka u hantaan.
Markuu Tixgaliyay: In muwaadiniintu ay xaq u leeyihiin in ay helaan xuquuqdooda
siyaasadeed iyo gudashada waajibaadka saaran marka ay abuurayaan Ururo
siyaasadeed iyo in la habeeyo mabaadii’da iyo Shuruucda kala hagaysa Xisbiyada
qaranka ee Shakhsiyadda Qaanuuniga ah leh.
Markuu Ku Qancay: Baahida loo qabo in dib-u-habayn iyo Wax-ka-beddel lagu sameeyo
Xeerka Nidaamka Axsaabta/Ururrada Siyaasadda, Xeer Lr. 14/2000.
WUXUU
KAABIS IYO WAX-KA BADAL
KU SAMEEYEY:
Xeerka Nidaamka Ururrada
iyo Axsaabta Siyaasadda Xeer LR 14/ 2000
Wuxuuna soo saaray Xeer
Lr. 14/2011
QAYBTA 1AAD: QODOBBO GUUD
Qodobka 1aad: Eraybixin
1)
“Guddi”: Waxaa loola jeedaa Gudidda diwaangelinta
ururada siyaasada iyo Ansixinta xusbiyada Qaranka.
2)
“Komishan”: Waxaa loola jeedaa Komishanka Doorashooyinka Qaranka
(KDQ).
3)
“Gobol/Degmo”: Waxaa loola jeedaa Gobollada iyo Degmooyinka ku xusan Xeer
Lr. 23/2002.
4)
“Urur Siyaasadeed”: Waxaa loola jeedaa
koox muwaadiniin ah oo wadaaga fikir siyaasadeed oo isu-diiwaan-geliya Urur
ahaan si ay uga qayb-qaataan doorashooyinka Goleyaasha Deegaanka ka hor inta
aan loo aqoonsan xisbiyo Qaran.
5)
“Xisbi/Xisbiyo”: Waxaa loola jeedaa Xisbi/Xisbiyada Qaran ee la ansixiyay si
ay uga qayb-qaataan doorashooyinka Guud ee Golaha Wakiillada iyo kuwa
Madaxweynaha iyo Ku-xigeenkiisa;
6)
“Ajanabi”: Waxa loola jeedaa Shakhsi kasta oo aan u dhalan
Jamhuuriyadda Somaliland.
7)
“Warbaahinta Dawladda”: Waxaa loola
jeedaa idaacadaha, Wargeysyada, Shineemooyinka, Telefishanka Qaranka iyo nooc
kasta oo warbaahineed oo ay Dawladdu maamusho;
8)
“Hantida Dawladda”: Waxaa loola jeedaa
Hantida Guurtada ah iyo Ma-guurtada ee ay Dawladdu leedahay nooc kasta ha
ahaatee.
9)
“Arjiga Codsiga”: Waxaa loola jeedaa Foom gaar ah oo uu
diyaariyay Gudidda diwaan-gelinta Ururda siyaasada iyo ansixinta xisbiyada oo
faahfaahinaaya shuruudaha laga rabo in uu buuxiyo Urur Siyaasadeed kasta oo is
diwaan-gelinaya.
10)
“Doorashooyinka Qaranka”: Waxaa loola
jeedaa doorashooyinka Guud ee ay ku tartamayaan Saddexda Xisbi Qaran.
11)
“Hoggaamiyeyaasha Xisbi/Urur Qaran”:
Waxaa loola jeedaa hoggaanka sare ee Xisbi/Urur oo uu ka mid yahay Guddoomiyaha,
Gudoomiye-kuxigeennada, Xog-hayaha Guud iyo ku xigeenkiisa.
12)
Golayaasha sharciga ah”: waxa loola jeedaa
Golayaasha Dastuuriga ah ee JSL oo kala ah:-
b.
Golaha
Guurtida
t.
Golaha
Wakiilada
j.
Golaha
deegaanka
QAYBTA 2AAD
Qodobka 2aad: Mabaadii’da Guud iyo U Hoggaansanaanta
Sharciga
1)
Xisbiyada/Ururadu
waa in ay u hoggaansanaadaan Dastuurka,
Xeerarka dalka iyo hanaanka Dimoqraadiyadda, waana in aanu wax u dhimaynin
midnimada dalka, dhammaanshaha dhul ahaaneed ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo
nabadgelyada guud;
2)
Xisbiyada/Ururadu
waa in ay ka qayb-qaataan in ay taageerayaashooda baraan tartanka
doorashooyinka iyo Dimoqraadiyadda waana in ay tix-gelin dheeraad ah siiyaan
Haweenka iyo dhalinyarada.
3)
Xisbiyada/Ururadu
waa in aanay ku salaysnayn Qabiil, lab
ama dheddig keliya, ama nooc kale oo kasta oo Bulshada kala faquuqaaya
4)
Xisbiyada
Qaranka iyo Ururada waxaa lagu maamulayaa si waafaqsan xeerkan isla markaana
aan ka soo hor jeedsan shareecada islaamka, Dastuurka Qaranka, xeerarka dalka,
iyo xeeraraka Xisbiyada ama Ururda:
5)
Cid
kasta oo reer Somaliland ah buuxisana shuruudaha xeerkan wuxuu xaq u yeelanayaa
in uu samaysto Urur siyaasadeed si waafaqsan Xeerkan;
6)
Marka
ay dhacdo in laba urur iyo in ka badini isu tagaan si ay u samaystaan
is-bahaysi ama Urur/xisbi ku biiro inta ka horaysa doorashada Golayaasha Degaanada,
waxa loo soo gudbinayaa Gudidda Diiwaan-gelinta Ururada siyaasada iyo ansixinta
Axsaabta Qaran ka nuqul asal ah (original) oo ah heshiiska isbahaysiga ah.
QAYBTA 3AAD: QAABDHISMEEDKA IYO XILKA GUDDIDA
DIWAANGELINTA
Qodobka
3aad: Guddida Diiwaan-gelinta Ururada
Siyaasiga ah iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka.
1.
Dalka JSL wuxuu yeelanayaa Guddi guud oo
madax-banaan, una xilsaaran diiwaangelinta Ururrada Siyaasada iyo Ansixinta Axsaabta
Qaranka.
2.
Tirada Gudiddu waa 7 (todoba) xubnood oo ugu
yaraan mid ka mid ahi sharci-yaqaan yahay.
3. Gudiddu waxay iska dhexdooranaysaa Gudoomiye,
Gudoomiye xigeen iyo Xoghaye.
4. Guddida
waxa lagu soo xulanayaa shuruudaha hoos ku qoran:-
b. Inuu Muslin yahay/tahay kuna dhaqmo diinta
Islaamka.
t. Inuu Muwaadin yahay/tahay da’diisuna ka
yaraan 30 sanno.
j. Inuu/inay
jidh ahaan iyo caqli ahaanba u gudan karo xilkiisa.
x. Inuu/inay leeyahay aqoon wax barasho oo gaadhsiisan
shahaadada koowaad ee jaamacadda (First degree).
kh. In aanu/inaanay hore ugu dhicin xukun ciqaabeed oo Kama dambays ah
oo maxkamad horteed kaga cadaaday shantii sanno ee u dambaysay.
d.
Inuu/inay yahay xilkas, dhaqankiisa iyo
akhlaaqdiisuna toosan yihiin, yahayna shakhsi ku sifoobay dhex-dhexaadnimo.
r. Inuu/inay
leeyahay waayo-aragnimo shaqo iyo maamul oo dhan 5 5 sanno ugu yaraan.
s. Inuu/inay ku sugnaa/sugnayd dalka JSL labadii
sano ee ugu dambeeyay sixidhiidha ah.
sh. Halka sharci
yaqaan waxa u dheer shuruudahaasi inay leeyahay/leedahay shuruudaha lagu soo
doorto garsoorayaasha Maxkamada Sare.
5. Xarunta dhexe ee guddidu waxay
ahaanaysaa Hargeysa waxayna ku yeelanayaan wakiilo gobolada iyo degmooyinka dalka.
6. Guddidu waxay xilka haynayaan muddo
(2) labo sano ah oo ka bilaabanta maalinta ay Maxakamada sare
xilka u dhaariso. Madaxweynuhuna waa u
cusboonaysiin karaa hadii loo baahdo, iyada oo muddo kordhintaasi cusub laga
ansixin doono Gollaha Wakiilada.
B. Xubnaha
Guddida waxaa xilka lagaga qaadi karaa habka loo maro xilka qaadista Komishanka
Doorashooyinka Qaranka.
T. Hadii
ay dhacdo mudadii xilka Gudida oo aan dhamaan ay isku mar xubnaha Guddidu
baneeyaan jagooyinkoodii, Guddida cusub ee la magaacaabaa waxay dhamaystirayaan
mudadii xilka ka hadhsanayd.
J. Hadii Xubin ka mid ah
Guddidu ay banayso xubinimada Guddida, Madaxwaynaha ayaa badalkeeda soo buuxin
doona. Xubinta cusub waxa ay dhamaysan doontaa muddo xileedka
u hadhsan Guddida.
X. Xubinta/naha
cusub waxa ansixinayaa Golaha Wakiilada inta aan xilka loo dhaarin.
7.
Madaxweynaha
JSL ayaa magacaabaya Gudidda diiwaangalinta ururada siyaasada iyo axsaabta
qaranka.
8.
Golaha
wakiilada ayaa kalabadh iyo hal (41+1) tirada guud ku ogolaanaya gudidda diwaan
galinta urarada siyaasada iyo axsaabta qaranka.
9.
Guddidu
waxay yeelanayaan gunno la mid ah Gunada Komishanka Qaranka la siiyo.
10.
Gudoomiyaha
Maxkamadda Sare ayaa ku dhaarinaya Guddida dhaartan todobaad ka dib maalinta
Golaha Wakiiladu ansixiyo (WAXA IGU
WALAAHIYA, BILAAHIYA, INAANAN KA MID AHAYN KUNA JIRIN UNUG, URUR IYO XISBIYO QARAN TOONA, KANA MID NOQONEYN URUR
IYO XISBI KALE INTAAN XILKA HAYO. UGUNA ADEEGAYO BULSHADA SOMALILAND CADAALAD,
SINAAN IYO DAACADNIMO).
QAYBTA 4AAD: DIIWAANGELINTA IYO
HABRAACA
Qodobka 4aad: Codsashada Diiwaan-gelinta iyo Qabashada Araajida
1.
Guddidu waxay ku baahinaysaa warbaahinta dalka
mudada qabashada codsiyada diiwaangelinta Ururada siyaasadeed, iyo mudada
dhamaadka qabashada codsiyada diiwaangelinta. Mudada qabashada codsiyada
diiwaangelintu waa laba bilood gudahood (lixdan maalmood) oo ka bilaabmaysa
maalinta la bilaabo baahinta qabashada codsiyada shan iyo afartan maalmood gudahood (45) oo bilaabmaysa maalinta la daabaco
ama la sii daayo baahinta qabashada codsiyada.
2.
Urudada siyaasiga ah ee cusub waxay is ka diwaan
galinayaan xarunta guud ee Gudida diwaan galinta ururada siyaasad iyo axsaabta
qaranka ee Hargaysa.
3.
Urur kasta oo doonaya in loo diiwaangeliyo Urur
siyaasadeed waa inuu ku soo qortaa arji foomka loogu talagalay, kuna soo
hagaajiyaa Guddida, kuna lifaaqnaadaan caddaymaha iyo qoraalada soo socda:-
b) Goortii iyo goobtii ururku
ku qabtey shirkii aasaaska ee ugu horeeyay.
t)
Liiska magacyada aasaasayaasha
ururka iyo habkii loo doortey.
j)
Liiska magacyada hogaanka, gudidda fulinta iyo
golaha dhexe oo gudoomiyaha ama ku-xigeenku soo sexeexay.
x) Qaab-dhismeedka ururka oo ay
ku caddahay magaca ururka oo dhan iyo habka uu u
qormayo marka la soo gaabiyo iyo astaanta ururka.
kh) Caddeyn bixin cashuurta diwaan gaklinta oo dhan 150, 000,000 (Boqol iyo konton milyan) shilin Somaliland.
d) Waxaa
waajib ah in lacagta cashuurtu cadahay in la wadaagey oo aysan ka bixin gacan qudha,
waxaana dabagal ku samaynaya Guddida Diiwaan-gelinta.
r)
Xisbiyada
qaran ee haysata shahaadada xisbi nimo laga ma qaadayo cashuurta diwaan galinta.
s)
mudada liisanka ee xisbi qaran
waa toban (10) sano oo ka bilaabma taariikhda liisanka la siiyay.
Qodobka 5aad: Xisbiyadda Qaran iyo
Urarada ku meel gaadh ka ah
1.
Markay dhamaato mudada qabashada araajida
diiwaangelinta Ururrada, Gudiddu diwaangalintauruada siyaasiga ah iyo ansixinta
axsaabta Qaranka waxay hubinaysaa ururada buuxiyey shuruudihii looga baahnaa,
waxayna siinayaan ogolaansho ku meelgaadh ah oo uu ururkaasi ku hawlgalo.
2. Mudada hawl-galada
ururada siyaasadeed waa 6 bilood oo ka bilaabanta taariikhda ogolaanshaha ku
meel gaadhka ah la siiyey. Muddada
hawlgalada ururada siyaasadeed waa lix (6) bilood gudahood waqtigana waxaa
cayimaya Guddida Diwaangelinta Ururada Siyaasada iyo Anxisinta Axsaabta Qaranka
iyaga oo la tashanaya Guddida Doorashooyinka Qaranka.
3.
Xisbi/Urur kasta waa inuu ku keenaa mudada ku
xusan Faqrada 2aad ee Qodobkan qoraalada iyo caddeymaha soo socda:-
b.
Qabashadii shirweynaha ee Ururka ama
xisbiga, meeshii uu ku qabtey, taariikhduu qabsoomay iyo wixii ugu weynaa ee ay
qabteen, Sida liiska magacyada xubnaha golaha
dhexe, Golaha Fulinta iyo magacyada hogaanka xisbiga.
t. Caddeyn in Ururkaasi ku leeyahay laamo hawlgal ah, ugana
diiwaan-gashan yihiin ugu yaraan 1000 (Kun qof) xubnood gobol kasta,
kuwaas oo haysta warqda aqoonsiga muwaadinimo oo sharci ah.
j. Muddada
liisanka ee xisbi qaran waa toban (10) sano oo ka bilaabanta taariikhda
liisanka la siiyay.
4.
Ururka la siiyo ogolaansho ku meel gaadh ah oo uu
ku hawl-galo, waa in Guddidu siisaa afar (4) nuqul oo xeerkan ah
5.
Xisbi/urur kasta oo siyaasadeed waa in xeerkiisa
ku caddahay ku dhaqanka dimoqraadiyadda, tallo-wadaaga iyo maamul wanaag.
6.
Urur kasta waa inuu gudidda u keeno 3 nuqul oo
daabacan oo ah xeerkiisa iyo cinwaanadiisa gobolada iyo degmooyinka dalka.
7.
Xisbi/urur kasta waa in xeerarkiisu waafaqsan
yahay Dastuurka iyo Xeerarka dalka JSL.
8.
Xisbi/Urur kasta waa inuu xubin ka noqon karo qof
kasta oo Somalilander ahi
9.
Ururka
siyaasadeed ee loo ansixiyo xisbi, kuma biiri karo Xisbi kale doorashooyinka ka
hor iyo kadib, sidoo kale waa iney xeerkiisa ku caddaataa inaan laga saari
karin/eryi karin xisbiga xubin ama xubno loo doortey Golayaasha
sharciga ah haadii aanay ka hor imanayn xeerar ka dalka iyo xeerka xisbiga.
10.
Xisbi kasta oo siyaasadeed waa inay
barnaamijkiisa ku caddaato qorshayaashan:-
b. Sugidda nabadgelyada, deganaanshaha iyo
xasiloonidda dalka.
t. Horumarinta waxbarashada iyo Diinta
j. Horumarinta caafimaadka iyo fayo-dhawrka.
x. Daryeelka iyo ilaalinta
degaanka.
kh. Dhaqaaleynta
iyo soo saaridda kheyraadka dabiiciga ah ee dalka
d.
Horumarinta cilmiga iyo
teknoolajiyada.
r. Dhiiri gelinta dhalinyarada iyo haweenka
ee ka qayb qaadashada siyaasada
dalka.
s. Ilaalinta Dastuurka iyo xeerarka dalka.
Qodobka 6aad: Kala reebida Xisbiyada/Ururda
ku tartama doorashada Deegaanka
1.
Saddexda xisbi/Urur ee doorashada Dawladaha Hoose
ka hela 20% codadka gobol kasta ayaa loo aqoonsanayaa Xisbi qaran, lana siinayaa shahaadada aqoonsiga xisbi.
2.
Haddii hal
xisbi oo keliya ku guulaysto doorashada oo uu ka helo 20% codadka gobol kasta,
Guddidu waxay u aqoonsanaysaa xisbiyo
Qaran isaga iyo labada Xisbi ee ku xiga isu gaynta codadka boqolayda gobol kasta.
3.
Hadii
ay is leekaato tirada Boqoleyda Gobolada ee laba Urur ama ka badan waxaa lagu
kala saarayaa. Sida ay ugu kala Bataan tiradada guud ee codad ka.
4.
Haddii
ururada siyaasadeed midna gaadhi waayo 20% waxay Guddidu u aqoonsanayaan Xisbiyo
Qaran saddexda Xisbi ee ugu tirada badan codadka doorashoonyinka boqolayda gobolada
dalka.
5.
Tobankii
(10) sannadoodba mar baa la abuuri karaa Urur Siyaasadeed si waafaqsan Xeerkan.
Hase-ahaatee waa in Urur Siyaasadeed la abuuraa ugu yaraan 6(lix) bilood ka hor
maalinta la qabanaayo doorashada Goleyaasha Deegaanka.
Qodobka 7aad: Waxyaabaha ka reebban Xisbiyada/Ururada
1.
Waxaa ka reebban xisbi/urur kasta inuu u soo gudbiyo
Guddida war bixin been ah ama khaldan.
2.
Xisbina kama muuqan
karto xeerarkiisa qodob ama qodobo ka hor imanaya Dastuurka iyo Shareecada
Islaamka.
3.
Xisbi/Urur kasta waxaa ka reebban inuu dhaqaale
ka helo illo shisheeye.
4.
Xisbi/urur kasta waxaa ka reebban inuu hantida
qaranka Somaliland u adeegsado ama u isticmaalo hawlihiisa u gaarka ah ee
doorashooyinka.
5.
Xisbi/urur kasta waxaa ka reebban inuu adeegsado
koox ama ciidan hubaysan oo uu ku fushado danihiisa gaarka ah.
Qodobka 8aad: Xuquuqda Xisbiyadda
Qaranka
1)
Xisbiyada Qaranka
ee la siiyey shahaadada xisbinimo siyaasadeed,
waxay xaq u leeyihiin:
b.
Inay si siman u adeegsadaan warbaahinta qaranka,
waxayna yeelan karaan Warbaahin u gaar ah markey ogolaansho ka helaan hay’adaha
ku shaqada leh.
t. Inay si xor ah u gudbiyaan afkaartooda
siyaasadeed iyagoon wax u dhimayn xasiloonida iyo nabadgelyada guud ee dalka.
j. inaan la cabudhinkarin
mas-uuliyiinta xisbiyada ciidamada amaankuna aanay gali karin xarumohooda ilaa
ogolaasho laga helo Maxkamadda awooda u leh,
x. xisbiyada Qaranka ee mucaaridka
ahi way dhaliili karaan xukuumada
kh. Xisbiyadu wixii dacwad ama
cabashooyin ay ka tawdaan shaqada Guddida diwaan galinta ururada siyaasada iyo
ansixinta axsaabta Qaranka
waxay qoraal ahaan ugu gudbinayaan maxkamadda gobolka ay
cabashadu ka jirto.
d. Haddii ay ku qanci waayaan go’aanka
maxkamadda gobolku ka soo saarto, waxay
racfaan uga qaadanayaan Maxkamadda Dastuuriga ah
r. Xibiyada qaranku way yeelan karaan hanti gaar
ah.
Qodobka 9aad: Xuquuqda Muwaadiniinta
Muwaaddin kasta oo qaangaadh ah, wuxuu xaq u
leeyahay:-
1. Inuu/inay ka qayb-qaato
hawlaha siyaasadda.
2. Inuu/inay ku biiri karo
xisbi ama urur siyaasadeed kuu/kay doorto.
3. Xubnaha ururku ama
xisbigu waxay leeyihiin xuquuqo isku mid ah xaqa doorashada iyo codayntaba
marka lagu guda jiro xilliga doorashada xisbiga/ururka gudihiisa.
4. Xubin kasta oo doonaysa
in ay ka baxdo xil xisbi ama urur.
b) Waa in xubinta
xisbiga/ururku u soo gudbisaa arjiga is casilaada.
t) Waa in xisbiga /ururku ku aqbalaa ama ku
diidaa 14 maalmood gudahood is casilaada xubinta.
5. Xubinina kama wada tirsanaan karto laba Xisbi/Urur ama Xisbi iyo Urur
isla wakhti keliya.
Qodobka 10aad: Sababaha Lagu Waayi
Karo Xubinnimada
Xubin ka tirsan Xisbi ama Urur waxaa laga saari
karaa oo keliya marka:
b)
Ay samaysato urur kale
t)
Ay Ka qayb-qaadato urur kale oo la samaynayo
j)
Ay Ku biirto urur kale ama si caam ah ugu ololaysa samaysiga urur kale
x)
Ay ku gafto xeerka u yaalla xisbiga/ururka
Qodobka
11aad: Musharixiinta u Tartamaysa Doorashooyinka Golaha Wakiilada iyo deegaanka
1) Qof kasta oo muwaadin Somaliland
ahi wuxuu xaq u leeyahay in la doorto, waxna dooran karo, hase yeeshee waxaa
musharax noqon kara:-
b. Muwaadin Somaliland ah, xisbina soo
sharaxay, buuxiyeyna shuruudaha Xeerku jideeyey.
t. Ma
banana in musharax madax-banaan oo aan magac xisbi wadanin isa soo
sharaxo.
2) Gudidda
fulinta ee xisbiyada ayaa soo magacaabaya musharixiinta uga qayb galaya doorashada Golaha Wakiiladda.
3) Gudidda Xisbiga ee Gobol kasta ayaa soo
magacaabaya musharaxiinta heerka degmooyinka.
4) Mar kasta
oo la furayo tartanka ururada siyaasada ee G/Degaanka lix bilood ka hor,
muddanaha ka tirsan Golaha Wakiilada ama Golayaasha Degaanka waxaa u bannan
inuu furan karo Urur siyaasaded oo cusub ama uu ku biiri karo urur/xisbi
siyaasadeed ee uu doono.
Qodobka
12aad: Mudada xilka Madexweynaha iyo Gudoomiyaha Xisbiga
1. Qofna
jagada madexweynaha ma qaban karo laba jeer wax ka badan.
2. Xisbi
qaran jagada gudoomiyaha xisbiga uma sharixi karo xubin laba xildoorasho wax ka
badan.
QAYTA 5AAD: XEER-HOOSAADKA,
QAAB-DHIMEEDKA IYO SHAQADA URURRADA SIYAASADDA
Qodobka 13aad: Xeer-hoosaadka iyo Qaab-dhismeedka
Ururrada Siyaasadda
Xeer-hoosaadka Ururrada Siyaasadda waa in ay ku
cad yihiin waxyaalahani:-
1. Magaca Ururka oo
dhamaystiran.
2. Ujeeddooyinka Ururka.
3. Qaab-dhismeedka Ururka iyo
Waaxyaha uu ka kooban yahay.
4. Xarunta dhexe ee Ururka
oo ah Somaliland gudaheeda.
5. Qaabka lagu soo doorto
ama lagu beddeli karo, muddada xilka ee mas’uuliyiinta. Ururka.
6. Shuruudaha Xubinta lagu
noqon karo iyo sababta lagu waayi karo, iyo iscasilaadda xubinta ama mas’uulka
7. Qodobbo khuseeya sida
Xeer-hoosaadka Ururka wax looga beddeli karo.
Qodobka 14aad: Reebbanaan
Uma banaana qof kasta oo ka tirsan Ciidammada
Qalabka sida: Ciidanka qaran, Booliska,
Ciidanka Asluubta, hay’adaha sirdoonka qaranka, Ururada aan Dawliga ahayn, shaqaalaha
dowlada (civil servant) iyo xubnaha ka tirsan Garsoorka, Xeer-ilaalinta, iyo gudidda diwaan galinta ururada siyaasada iyo
ansixinta xisbiyada qaranka in ay:
1. Samaystaan Urur Siyaasadeed
iyo xubin ka-noqoshadiisaba.
2. In loo magacaabo xafiis
Urur Siyaasadeed.
3. Ku lug-yeelato arrimo Axsaab/Urur
oo luminaaya dhex-dhexaadnimada xafiiska uu joogo.
4. Taageerid ama
ka-soo-hor-jeedsi Xisbi/Urur Siyaadadeed.
Qodobka 15aad: Astaamaha iyo
Magacyada
Ururna ma isticmaali karo
astaan ama magac uu hore u isticmaalay Urur kale, xisbi, Hay’adaha Dawladda ama
Qaranka Somaliland.
Qodobka 16aad: Hoggaamiyeyaasha
Xisbi/Urur Siyaasadeed
Qofka isu sharraxaaya hogaanka Xisbi/Urur
Siyaasadeed waa in uu buuxiyo shuruudahan:
1. Waa inuu/inay yahay
muwaaddin reer Somaliland ah.
2. Waa in/inay
ay da’diisu tahay ugu yaraan 30
jir.
3. Waa in/inay aanu ku
dhicin xukun maxkamadeed oo ah fal-dambiyeed uu gaystay oo ka badan 3 (saddex) sanno
5tii sanno ee u dambaysay marka laga reebo in Madexweynaha JSL uu siiyay cafis.
4. Waa in/inay uu yahay qof
muslin ah kuna dhaqma diinta islaamka.
Qodobka 17aad: Isbeddelka Hoggaanka
iyo shuruucda Xisbiga/Ururka
1.
Isbeddel kasta oo lagu sameeyo hoggaanka, shuruucda iyo
Qaab-dhismeedka Xisbiga/Ururka waa in laga sheego warbaahinta ugu badnaan 15 maalmood
ka dib marka uu Xisbigu/Ururku qabsado shirka uu ku gaadhay go’aanka isbeddelkaas.
2.
Isla markaana waa in qoraal rasmi ah oo arrintaa ku saabsan loo diro
xeer-ilaalinta iyo komishanka doorashooyinka qaranka mudo aan ka badnayn 15 maalmood.
QAYBTA 6AAD: WARBAAHINTA IYO HANTIDA
XISBI/URUR SIYAASADEED
QODOBKA 18AAD: WARBAAHINTA XISBIGA
AMA URURKA
1.
Xisbi/Urur Siyaasadeed waxa uu xaq u leeyahay in
uu abuuro Warbaahin uu gaar ah si waafaqsan shuruucda iyo xeerarka dalka ee
khuseeya warbaahinta gaarka ah.
2.
Xisbi/Urur
Siyaasadeed waxa ka mamnuuc ah in ay faafiyaan, daabacaan ama baahiyaan warar been
ah, isla markaana abuuraaya kicin iyo iska-hor imaad dadweyne, wiiqaaya
midnimada dalka, ama waxyeello u gaysanaaya nabadgelyada guud.
3.
Xisbiyada/Ururada Siyaasaddu waxay si siman u isticmaalayaan
warbaahinta ay Dawladdu maamusho wakhtiga ololaha doorashooyinka Qaranka.
Qodobka 19aad: Hantida Xisbi/Urur
Hantida
Xisbi/Urur waxa ay ka iman kartaa:
1.
Qaadhaanka
ay xubnaha Xisbi/Urur bixiyaan.
2.
Deeqda
la siiyay Xisbiga/Ururka waa in ay ka timaado shirkado wadani ah, ama muwaadiniin
reer Somaliland ah.
3.
Kaalmo
ay si siman u bixisay xukuumadu.
QAYBTA 7AAD: XISBIYADA SIYAASADDA EE
JIRA
Qodobka 20aad: Shakhsiyadda
Qaanuuniga ah ee Xisbiyada
1.
Saddexda xisbiyo Qaran ee loo aqoonsado xisbiyo
qaran waxa ay leeyihiin Shakhsiyad Qaanuuni ah (Legal Personality).
2.
Xisbiyada Siyaasaddu waxa ay xaq u leeyihiin in
ay u tartamaan Doorashooyinka Deegaanka ee soo socda. Haseyeeshee waa in ay
Gudida diwaan-gelinta u soo gudbiyaan waxyaalahan:-
a. Magaca Xisbiga oo
dhamaystiran
t. Ujeeddooyinka Xisbiga;
j. Qaab-dhismeedka Xisbiga iyo
Waaxyaha uu ka kooban yahay
x. Xarunta dhexe ee Xisbiga
oo ah Somaliland gudaheeda
kh. Qaabka lagu soo doorto
ama lagu beddeli karo, muddada xilka ee mas’uuliyiinta Xisbiga,
d. Shuruudaha Xubinta lagu
noqon karo iyo sababta lagu waayi karo, iyo iscasilaadda xubinta ama mas’uulka.
r. Qodobbo khuseeya sida
Xeer-hoosaadka Xisbiga wax looga beddeli karo.
Qodobka 21aad: Ganaaxa ku
xad-gudubka xeerka
Gudiddu waxa ay ganaax
lacageed oo dhan Sodon milyan oo shillinka Somaliland ah (30,000,000 SL/Sh) ku soo rogayaa Xisbiga/Ururka ku xad-gudba
Xeerkan.
QAYBTA 8AAD
Qodobka 22aad: Waxyaabaha ka reeban
adeegsiga deeqaha dawladda siiso Xisbiyada
Deeqaha dawladda looma isticmaali karo si toos ah ama si dadban in
loogu qorsheeyo samaynta ganacsi gaar loo leeyahay, ha ahaato hanti guurto ah
ama tu ma-guurto ahba.
Qodobka 23aad: Xisaabxidh
1.
Xisbi Qaran kastaa waxaa uu samaynayaa xisaab
xidh sanadedd (dakhli iyo kharash) uu soo cadeeyay hanti dhawre madex
banaan, waxaana loo gudbinayaa komishanka
doorashooyinka Qaranka ugu danbayn 31 March ee sanad kasta.
2.
Hanti dhawraha madaxa
banaan waxaa codsanaya hawlgalkiisa komishanka Dooroshooyinka Qaranka ama
Guddida Diiwaangleinta Ururada.
QAYBTA 9AAD: QODOBBO KALA DUWAN
Qodobka 24aad: Xisbiga Dhaca ama
Ururka U Gudbi Waaya Xisbi
1.
Xisbi kasta/Urur oo ku guulaysan waaya doorashada Golayaasha deegaanka
waxay ku biirayaan iyaga iyo Xubnahooda golayaasha deegaanka ee ay ka helaan
degmooyinka dalka saddexda xisbi qaran ee soo baxay kay doonaan, waxayna qoraal
ahaan ugu gubinayaan Gudidda Diiwaangalinta mudo aan ka badnayn hal bil (30 maalmood).
2.
Hadii xisbigii mudanaha Golaha wakiiladu uu ka tirsanaa ku dhaco tartarka
Ururada iyo Xisbiyada waxaa mudanuhu ku biiri karaa xisbiga uu doorto, wuxuuna
dhamaysanayaa mudo xileed ka u hadhsan.
3.
Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisu waxay dhamaysanayaan mudada xilkooda
inta uga hadhsan hadii xisbigoodu soo bixi waayo waxaana u furan inay galaan
xisbigay doonaan.
Qodobka 25aad: Tayaynta iyo habaynta
xisbiyada Qaranka
1.
Xisbiyada Qaranka ee Doorashada ku guulaystaa waa in ay ku dhaqmaan
maa-mul wanaag iyo dimuquraaduayad dhexdooda ah, waana in awooda loo siman
yahay. Talada xisbigana waa in mar kasta lagu go’aan qaataa qaabka uu dhigaayo
xeer hoosaadka.
2.
Shirweynaha Xisbi Qaran waxaa la qabanayaa 5 (shantii sano) hal mar waxaana la
baahinayaa lixdan (60) maalmood ka hor.
3.
Shirka xisbi ee golaha dhexe waxaa la qabanayaa
halkii sanaba mar waxana la baahinayaa 30 casho ka hor.
4.
Shir waynaha xisbiga waxa lagu soo dooranaya.
b. Xubnaha hogaanka xisbiga iyo
guddida fulinta
t. Xubnaha Golaha dhexe ee xisbiga
j. Waxaa lagu ansixinayaa
barnaamijka iyo xeer-hoosaadka xisbiga.
5.
Liiska xubnaha golaha fulinta iyo golaha dhexe ee xisbi iyo nuqul
xeer-hoosaadkooda ah waxaa loo gudbinayaa xeer-ilaalinta, komishanka
doorashooyinka qaranka iyo gudida diwaan gelinta mudo aan ka badnayn 30
maalmood shirwaynaha ka kib.
6.
Hogaanka xisbiga, Guddida
fulinta iyo xubin golaha dhexe waxaa xilka qaadistooda soo jeedin kara.
b) 1/3 xubnaha golaha dhexe
ee xisbiga.
t) Gudoomiyaha xisbiga.
j) Is-casilaad.
Waxaana cod
kala-badh iyo hal ku ansixinaya xubnaha golaha dhexe ee xisbiga.
7.
Gudidda diwaangelinta Ururada Siyaasada iyo
Ansixinta Xisbiyada Qaranka ayaa xisbiyada dhexdooda ku ilaalinaya Dimuqraadiyada,
iyagoo war bixintooda u soo gudbinaya Golaha Wakiiladda marka loo baahdo.
8.
Marka mudo xileedka Gudidda diwaangelinta Ururada Siyaasada iyo Ansixinta
Xisbiyada Qaranka uu dhamaado waxaa shaqadooda la wareegaya komishanka
doorashooyinka qaranka.
Qodobka 26aad: Soo Saaridda Xeer-Nidaamiye
(Power to Issue Regulations)
Gudida Diwaangelinta
Ururadda Siyaasadda iyo Ansixinta Xisbayada Qaranku waxa uu awood u leeyahay in
uu soo saaro Xeer-nidaamiye (Regulations), Xeerka Hab-dhaqanka (Code of Conduct) iyo
Awaamiir (Directives) aan ka hor imanayn xeerka.
Qodobka 27aad: Laalis
1. Xeerka Nidaamka Ururrada
iyo Axsaabta Siyaasadda (Xeer Lr. 14/2000) waxaa badalay Xeer Lr..14/2011
2. Xeer kasta oo ka soo
horjeeda Xeerkani waa waxba kama jiraan (null and
void).
Qodobka 28aad: Dhaqan-galka
Xeerkani waxa uu
dhaqan-gelayaa marka ay Goleyaasha Xeer-dejintu ansixiyaan Madaxweynuhuna
saxeexo.
Qodobka 29aad: Khilaafaadka
ka Dhasha Xisbi/Urur Dhexdii ama Laba Urur/Xisbi
1.
Haddii xubnaha
xisbi ama urur isku khilaafaan hogaanka ama u kala jabaan laba meelood iyo wax
ka badan, hay’adaha xisbigu/ururkuna xalin kari waayaan khilaafka, waxa
dhinicii danaynayaa dacwad
u gubinayaa Gudidda Diwaan-gelinta Ururada iyo Ansixinta Axsaabta
Qaranka.
2.
Gudiga diiwaan gelintu
markuu helo dacwadda ku xusan farqadda 1aad
ee Qodobkan, wuxuu ka soo saarayaa go’aan ku salaysan Xeerka Nidaamka
Ururada iyo Axsaabta Siyaasadeed ee Xeer
lam. 14/2011 iyo dastuurka xisbiga/ururka hogaankiisa laysku haysto ee laga diiwaan geliyey Guddida
Diiwaan-gelinta.
3.
Dhinicii ku qanci waaya
go’aanka gudidda diiwaan gelinta waxaa u bannaan in uu racfaan u qaato
Maxkamadda Sare, xukunkeeduna wuxuu noqonayaa kama dambays.
4.
Haddii dhinacyada is
hayaa la yimaadaan laba dastuur oo is khilaafsan oo loo sameeyey ururka/ xisbiga
hogaankiisa laysku haysto, waxaa la tixgelinayaa dastuurka laga diiwaan geliyey
guddida diiwaan gelinta ee lagu aqoonsaday ururka/xisbiga.
5.
Haddii khilaafka
farqadaha hore ku qorani yimaado inta aan ururka la diiwaan gelin ee aan aqoonsiga la siin, gudidda diiwaan-gelintu ma diiwaan
gelinayso magaca ururka hogaankiisa
laysku khilaafay.
6.
Dhinacyadana waxaa u
banaan in mid waliba gaarkiisa u samaysto urur kale oo aan la hayn magacii
laysku qabsaday.
7.
Haddii laba urur ama urur iyo
xisbi isku qabsadaan magaca ama astaanta
diiwaan-gelinta ka dib, waxaa loo aqoonsanayaa in uu leeyahay magacaas ama
astaantaas kan Gudiddu u diiwaan gelisey ama loo hor diiwaan geliyey.
C/risaaq Siciid Ayaanle C/raxmaan
Maxamed C/laahi (Cirro
Xog .Guud ee Golaha Wakiilada
Gudoomiyaha Golaha Wakiilada JSL
……………………………………….. …………………………………………………
JAMHUURIYADDA
SOMALILAND
REF: JSL/M/XERM/219-683/082011 DATE: 20/08/11
XEER MADAXWEYNE NO. 0168/082011
DHAQAN-GALKA XEER LR. 14/2011
MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA
SOMALILAND
Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee
Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,
Markuu Helay: Go’aanka
Golaha Wakiilada JSL ee Go’aan Lr. GW/KF-15/534/2011, ee Ansixinta Xeerka
Nidaamka Ururada iyo Axsaabta Siyaasadda,
Markuu Arkay: Qodobka 75aad ee
Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland.
Wuxuu
Soo Saaray,
Dhaqan-galka Xeerka Nidaamka Ururada iyo Axsaabta Siyaasadda ee
Jamhuuriyadda Somaliland ee Xeer Lr. 14/2011.
Alla Mahad Leh
Ahmed Maxamed Silanyo
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland
JAMHUURIYADDA
SOMALILAND
REF: JSL/M/XERM/249-804/122011 DATE:
13/12/11
XEER MADAXWEYNE NO. 0179/122011
Dhaqan-galka Wax Ka Bedelka yo Kaabista Xeerka Nidaamka
Ururada Nidaamka Ururada iyo Axsaabta Siyaasad
Xeer Lr. 14/2011
MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA
SOMALILAND
Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyada
Somaliland;
Markuu Helay: Go’aanka Golaha Wakiilada JSL ee Go’aan Lr.
GW/KF-16/549/2011, ee Ansixinta wax ka bedelka iyo Kaabista Xeerka Nidaamka
Ururadda iyo Axsaabta Siyaasadda;
Markuu Arkay: Qodobka 75aad ee Dastuurka Jamhuuriyada
Somaliland;
Wuxuu soo saaray:-
Dhaqan-galka wax ka Bedelka iyo Kaabista xeerka
Nidaamka Ururada iyo Asxaabta Siyaasadda ee Jamhuuriyada Somaliland ee Xeer Lr.
14/2011 ee Qodobadan hoos ku xusan:-
Qodobka
3aad, Faqradiisa 6aad, Xarfaha B,T,J.X
Qodobka 4aad, farqadiisa 1aad
Qodobka 4aad, Farqadiisa 3aad
Qodobka 5aad, Farqadiisa 2aad
Qodobka 5aad, Faqradiisa 3aad, xarafka
J
Qodobka 11aad, Farqadiisa 4aad
Qodobka 23aad, Farqadiisa 2aad iyo
Qodobka Cusub oo ah Qodobka 29aad
ALLAA MAHAD
LEH
Ahmed Maxamed Silanyo
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland