Copyright © 2007 Somalilandlaw.com. All rights reserved

Trading  Classification Law

 

REPUBLIC OF SOMALILAND

JAMHUURIYADDA SOMALILAND

 CLASSIFICATION OF TRADING BUSINESSES LAW – Law No: 26/2004

XEERKA KALA XADEYNTA GANACSIGA (Xeer No. 26/2004)

 GOLAHA WAKIILADA JSL

Markuu Arkay:   Qodobka 11 (2)aad ee Dastuurka oo si cad u qeexaya-“in aanu habka dhaqaale noqonin mid horseeda in barwaaqadu ku koobnaato ama ku ururto koox ama dad tiro yar, si aanay u dhalan dabaqado dhaqaale oo ka kooban kuwo wax haysta iyo kuwo aan wax haysan.”

 Markuu dareemay:    baahida loo qabo xeer suura galiya mabaadiida Dastuurku  u jideeyay xaqiijinta xuquuqda cadaalad qaybsiga bulshada ee dhinacyada adeegyada iyo fursadaha dhaqaalaha.

Markuu dhagaystaySoo jeedinta Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Iyo Wershadaha oo u xil saaran abuuritaanka himilooyinka horumarinta dhaqaale iyo fur- furidda irridaha Ganacsiga wax iswaydaarsiga ee dalkan J/Somaliland.

 WUXUU ANSIXIYEY XEERKAN:

 Qodobka 1aad:

b.   Ganacsadaha wax soo Dejiya waxna Dhoofiya (Importer and Exporter Trader).

t.   Ganacsadaha wax soo Dejiya (Importer Trader).

x.  Ganacsadaha wax Dhoofiya (Exporter Trader).

y.  Ganacsadaha Jumlad laha ah (Wholesaler Trader).

Kh. Ganacsadaha Tafaariiqlaha ah (Retailer Trader).

 Qodobka 2aad.

Eray Bixin

b)  Ganacsdaha Wax soo Dejiya Waxna Dhoofiya (Importer And Exporter Trader):      

    Waxaa loola jeedaa Ganacsadaha Badeecad Dhoofiya ee haysta Liisanka wax soo Dejinta iyo Dhoofinta.

 t) Ganacsadaha wax soo Dejiya (Import Trader)                            

    Waxaa loola jeedaa Ganacsadaha wax soo Dejiya ee haysta Liisanka soo Dejinta Badeecada ama Alaabada.

 j) Ganacsadaha Wax Dhoofiya (Export Trader):

    Waxaa loola jeedaa Ganacsadaha wax Dhoofiya ee Liisan u haysta in uu Badeecad/Alaab Dhoofiyo.

 x) Ganacsadaha Jumladle (Wholesale Trader):

    Waxaa loola jeedaa Ganacsadaha wax ka iibsada Ganacsadaha wax soo Dejiya (Import Trader) ama Ganacsadaha wax soo Dejiya waxna Dhoofiya (import and Export Trader).

 Kh) Ganacsadaha Tafaariiqlaha (Retail Trader):

    Waa Ganacsadaha haysta shatiga Dowladda Hoose ee wax ka soo iibsada Ganacsadaha Jumladlaha ah, kuna sii iibiya Tafaariiq.

    Qodobka 3aad.

Ganacsiga Gudaha waxa uu noqonayaa nooc kasta oo Ganacsi oo ku sugan Dalka gudihiisa ama xuduudaha Dalka.

 Qodobka 4aad.

Ganacsiga Gudaha iyo Ganacsiga Jumladlaha ah  waxa lagu kala iibsan karaa lacagta Dalka (Legal-tender to all Public & Private Sector) Somaliland Shilling.

Qodobka 5aad.

Ganacsiga Jumladlaha  (Whole Saler) waa ganacsiga u dhaxeeya  wax soo Dejiyeyaasha ama keenayaasha Debada iyo  Jumladlayaasha.

 Qodobka 6aad.

Ganasadaha Jumladlaha  alaabta uu keeno kuma iibin karo Tafaariiq ahaan sida  Ganacsadaha Tafaariiqlaha ah.

 Qodobka 7aad.

Ganacsaduhu Sanad kasta dhamaadkiisa waa inuu  Wasaaradda Maaliyadda ka buuxiyaa Foomka koobida  Hantidiisa bixiyana Macaashalmacaashka ku waajibay ee  Wasaaradda Maaliyadda. (Tax Clearance Certificate)

Qodobka 8aad.

Ganacsadaha Tafaariiqlaha ahi ama Macdaarlaha waa Ganacsadaha u dhaxeeya Ganacsiga Jumladlaha Macaamiisha.

 Qodobka 9aad.

Ganacsdaha Jumladalaha wuxuu qaadanayaa Liisanka Ganacsiga Jumladaha , wuxuuna ka qaadanayaa Wasaaradda Ganacsiga Liisanka Derajada B.

 Qodobka 10aad.

Ganacsadaha wax soo Dejiya (Import Trader) ama wax Dhoofiya (Export Trader) ama wax soo Dejiya waxna Dhoofiya (Import & Export Trader) waxa uu qaadanayaa Liisanka Ganacsiga ee Derajadda A oo uu ka qaadanayo Wasaaradda Ganacsiga iyo Wershaddaha.

 Qodobka 11aad.

Ganacsadaha Tafaariiqlaha ah ee xabada ama Kiilo-garaamka iibinayaa wuxuu qaadanayaa Shatiga Dawladda Hoose ee Ganacsadaha Tafaariiqlaha ama Macadaarlaha 

 Qodobka 12aad

Ganacsade ma wada qaadan karo Liisanka Ganacsiga  Jumladlaha  Guud iyo Tafaariiqle.

 Qodobka 13aad

Ganacsadaha Xeerkan jabiya waxaa la marinayaa ciqaabta  hoos ku qoran:-

b) Marka hore waxaa loo gudbinayaa Digniin qoraal ah.

t)   Marka labaad waxaa la ganaaxayaa  lacag dhan SL.SH. 10.000.000/= ilaa 15.000.000/=.

Qodobka 14aad

Ganacsadaha jabiya Xeerkan laba  jeer wixii ka dambeeya  Waxaa laga qaadayaa Liisanka loogu ogolaaday markii hore Inuu ku Ganacsado.

Qodobka 15aad

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa marka Madaxweynuhu saxeexo, ansixinta Baarlamaanka dabadeed.

 ALLAA          MAHAD         LEH.

 

Maxamed Xuseen Cisman                                                    Axmed Maxamed Adan

Xoghayaha Guud, G/Wakiilada                                           Gudoomiyaha Golaha Wakiilada

  

 

[Home] [Introduction to  Somaliland Law] [Somaliland Legal News] [Articles &  Commentaries] [Somaliland  Constitution] [Constitutional  Developments] [Somaliland &  International Law] [Administrative Law] [Somaliland Citizenship Law] [Civil Law] [Civil Procedure  Law] [Commercial Law] [Trading Businesses  Classification Law] [Commercial Law    - Other] [Somaliland Customary Law] [Somaliland Company  Law] [Criminal Law] [Criminal Procedure  Law] [Environmental Laws] [Electoral Laws] [Foreign Investment  Law] [Family &  Personal Law] [Somaliland  Government] [Health Law] [Somaliland Human Rights Law] [Insurance Law] [Somaliland Judicial  System] [Labour/ Employment Law] [Land & Planning  Law] [Hargeisa Law  Faculty] [Somaliland Legal  Profession] [Somaliland Lawyers' Association SOLLA] [Local Government  Law] [Maritime Law] [Military Law] [Somaliland  Mining Laws] [Press &  Media  Law] [Somaliland Public  Finance Law] [Somaliland  Parliament] [Somaliland Security  Committees] [Sharia   A Source of Law] [SHURO Net Human Rights Network] [Transport &  Traffic  Law] [Miscellaneous Laws] [Untitled91]